Wararka

Manchester United iyo Roma ayaa ku dhow inay u soo baxaan Semi-finalka Europa League…


Manchester United ayaa ku dhow inay u soo baxdo semi-finalka European Football League, ka dib guushoodii 2-0 ee ay ka gaareen Granada, Spain, halka Roma ay la soo laabatay guul aad u weyn kadib markii 2-1 kaga badisay Ajax, xilli Arsenal ay wax ku qaban weyday gurigeeda oo ay la ciyaareysay Slavia Prague, Czech Republic waxayna ku kala tageen 1-1.

United ayaa guushooda ku gaadhay dadaal aan badnayn, waxaana muuqatay khibrad la’aanta kooxda Granada, oo markii ugu horreysay ka qaybgalaysa tartanka qaaradda.

Marcus Rashford ayaa goolka u furay kooxda Man United daqiiqadii 31-aad ka hor inta uuna xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandez goolka 2-aad u dhalin kooxda reer England daqiiqadii 90-aad kaasi oo ahaa rigoore.

Kulankii ugu dambeeyay ee wareega 8da, Villarreal ee Spain ayaa ka badisay kooxda martida loo ahaa ee Dynamo Zagreb iyadoo hal gool uu dhaliyay Gerard Moreno oo rigoore ahaa daqiiqadii 44aad.

Waxaa xusid mudan in ku guuleystaha kulanka Villarreal iyo Dynamo Zagreb uu la ciyaari doono semi-finalka oo kooxdii ka soo baxda kulanka Arsenal iyo Slavia Prague.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: