Wararka

Laftagareen ayaa Axaddii dib ugu laabtay magaalada Baydhabo xilli ay socdaan dadaalo mar…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa gelinkii dambe ee Axaddii dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo la socday ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-gaduud, iyadoo daqiiqado ka dibna loo gelbiyay Madaxtooyada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay Magaalada Muqdisho u joogay wadahadalada xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka ee dalka oo Arbacadii guuldareystay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay Maamulada Puntland iyo Jubbaland ku eedeysay inay curyaamiyeen dadaaladii socday.

Ma cadda ujeedada uu xilligan Madaxweyne Lafta-gareen ugu laabtay Magaalada Baydhabo, xilli ay socdaan dadaalo markale miiska wadahadalada leeskugu keenayo Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: