Wararka

RW Rooble ayaa faray laamaha ammaanka sare u qaadista feejignaanta dhanka amniga…


Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa xalay la kulmay Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka, isagoona faray sare u qaadista feejignaanta dhanka amniga, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu warbixin la xiriirta amniga ka dhageystay Taliye-yaasha laamaha kala duwan ee amniga.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ra’iisal Wasaaraha uu Saraakiisha ugu yeeray inay dardargeliyaan hawlgalada lagu suggayo amniga, si dadka Soomaaliyeed loogu ogolaado buu yiri in si amniya ay ku soomaan, kuna cibaadeystaan bisha Ramadan.

Macalimuu ayaa xusay in Ra’iisal Wasaaruhu uu Saraakiisha ugu baaqay inay kordhiyaan kulamada dhexdoooda ah, si kala warqaadashadooda ay u badato.

Macalimuu ayaa intaa ku daray, maadaama ciidamadu ay u adeegayaan dadweynaha uu Ra’iisal Wasaaruhu faray inay gacan ka gaystaan, sidii loogu kaalmeen lahaa, sidoo kalena uu dadka Soomaaliyeed ka codsaday in dhexdooda ay isu gurmadaan, haddii bisha Ramadan tahay bil naxariiseed.

Ciidamada amniga ee ka hawlgala Magaalooyinka Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ayaa xilligan ka feejigan weerarada maleeshiyada Al Shabaab, qaarkoodna waxayba bilaabeen hawlgalo ay amniga ku suggayaan.

Shabaabka ayaa bisha Ramadan kordhiya weerarada iyo dilalka qorsheysan, ee ay ka gaystaan magaalooyinka ay maamulaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: