Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku leh maanta kulan xasaasi ah oo isha lagu hayo xaruntooda…


Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan xasaasi ah oo la xiriira ka doodista arrimaha doorashooyinka ee dalka ku leh Xaruntooda Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulan-weynaha Golaha Shacabka, ajandaha laga hadlayana uu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan doorashooyinka dalka.

“Mudane Xildhibaan berri oo Isniin ah waxaa jira Kulan-weynihii Golaha Shacabka. Ajandaha waa ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Golaha Shacabka ee Facebook.

Xildhiban Maxamed Xasan idiris oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu xafiiskiisa ugu sheegay in uu socdo qorshaha muddo kordhinta, loona diri doono Xildhibaanada.

“Gudoomiye Mursal waxa uu xafiiskiisa noogu dhex sheegay in haddii lagu heshiin waayo shirka Afisiyooni in uu si cad Baarlamaanka farriin ahaan ula wadaagayo ajandaha la xiriira doorashooyinka, oo si toos ahna Golaha Shacabka loo horgeynayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan idiris oo Warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale ciidan fara-badan ayaa la soo dhigay wadooyinka soo gala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ciidamada ayaana lagu arkayaa barraha kontoroolada ee amniga Villa Somalia laga ilaaliyo.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo xoogeysanayay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xusul-duub ugu jiro muddo kordhin, taasoo ay si weyn uga diggeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Si kastaba ha-ahaatee kulanka Golaha Shacabka ee maanta ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: