Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u codeeyay doorasho qof iyo cod ah in ay dalka ka…


Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa u codeeyay in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah taasoo muddo labo sano gudahood ah lagu qabto.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ka hadleen mooshinka la horkeenay ayuu cod geliyay waxana uu sheegay in muddo 7-bil ah oo ka bilaabaneysay 1-da November 2020 Ku siman 8-da Febaraayo 2021 xubnaha heshiiska 17-kii September 2020 galay ay dayaceen fursad lagu hirgelin karay Doorashooyinka sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shegay in 153-Xildhibaan ay joogeen golaha ayna ogolaatay 149-Mudane, waxaa ka aamusay 1-Xildhibaan halka ay diidaan 3-kale sida uu Natiijadaas ku dhawaaqay.

Sidoo kale guddoomiye Mursal ayaa Guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ku wargeliyay in si buuxda awood ay ugu heystaan meelmarinta waajibaadkooda dastuuriga ee salka ku heysa qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: