Wararka

Is bedel iyo Isku shaandheyn ayaa lagu sameeyay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska ee…


Is bedel iyo isku shaandheyn ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliye qeyb iyo labo ka mid ah Taliye kuxigeenadi qeybta guud ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada degmooyinka gobolka ayaa la isku bedelay halka kuwa kalana xilka laga qaaday.

Is bedeladan ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowaan xilka laga qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John, iyadoo taliyayaashana laga shakiyay inay gacan saar la leeyihiin Saadaq John.

Magaalada Muqdisho ayaa xaalad kale gashay kadib markii xilka laga qaaday taliyihii ugu awooda badnaa booliiska gobolka Banadair Saadaq Joon kaas oo ciidamo badan iyo gaadiid dagaal ay daacad u yihiin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: