Wararka

Saciid Deni ayaa hortagaya Baarlamaanka Puntland Sabtida soo socota si uu warbixin uga…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hortagaya Baarlamaanka Puntland sabtida soo socto si uu ugaga warbixiyo burburka ku yimid wadahadaladii arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaannada Baarlamanka ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha kadib markii loo diray fariimo wargelin ah.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka.

Dowlada Federalka ayaa ku eedeysay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe inay caqabad ku noqdeen hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii September 2020.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: