Wararka

Mareykanka ayaa Safiir cusub u soo magacaabay Somalia, kaasi oo bedeli doona Yamamoto…


Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Amb. Larry André u magacaabay inuu noqdo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doono Somalia.

Amb. Larry André ayaa ahaa Safiirkii Mareykanka ee Jabuuti, tan iyo sanadkii 2017, waxaana uu bedeli doonnaa Danjire Donald Yamamoto, Safiirkii Mareykanka ee Somalia.

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Somalia ayaa arrimaha diblomaasiyadda ku soo jiray tan iyo sanadkii 1990, isagoona horey u soo noqday Danjiraha Mareykanka ee dalalka South Sudan iyo Mauritania.

Larry André oo 60 jir ah ayaa waxay magacaabidiisa imaanaysaa, xilli uu Mareykanka si weyn uga horyimid muddo kororsiga labada sano ah ee loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Mareykanka ayaa Talaadadii ku hanjabay in uu dib u eegis ku samayn doono xiriirkiisa Somalia, haddii ay Madaxda Dowladda Federaalka dhaqangeliyaan muddo kordhinta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: