Wararka

Axmed Madoobe ayaa isbedel ku sameeyey Taliyayaasha Hay’adaha amniga ee Jubbaland…


Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa isbedel ku sameeyey Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Hay’adaha amniga Maamulka Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xilka looga qaaday Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Jubbaland, ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamulkaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Taliyaha guud Ciidanka Booliska u magacaabay Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku-xigeen loogu magacaabay Maxamed Guuleed Xasan.

Sidoo kale waxaa Agaasimaha Nabad Sugida dowlad Goboleedka Jubbaland loogu magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, iyadoo dhammaan Ciidamada la faray inay la shaqeeyaan Taliyeyaasha cusub ee la magacaabay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: