Wararka

Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa la sheegay in xalay lagu dilay magaalada Mogadishu…


Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab, Maxamed Cabdi Axmed (Xayle).

Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaaday Guddoomiyaha, xilli uu sii gelayay hoygiisa oo ku yaala deegaanka Sarkuuste ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa xaqiijiyay dilka Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa, isla-markaana watay mooto bajaaj ay dileen Guddoomiyaha.

Maxamed Cabdi Axmed, Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa xilka loo magacaabay 5-tii bishii September ee sanadkii 2020.

Waa Guddoomiyihii 2aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii Degmada Howlwadaag lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag.

Dilka Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa ku soo aadaya, xilli xalay dhiilo colaadeed ay ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: