Wararka

Laacibka da’da yar ee reer Norway Erling Haaland ayaa lagu doonayaa lacag waali ah…


Waxa ay u muuqataa in kala iibsiga xiddiga da’da yar ee reer Norway ee Erling Haaland, weeraryahanka Dortmund, uu noqon doono musalsal daraami ah oo xiiso leh, ka hor dhamaadka aan la ogeyn iyo aqoonsiga kooxda ku guuleysan doonta ciyaaryahankan oo koox walba dooneysa.

Ka dib safarkii sahaminta ee aabaha dhalay ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa Talyaniga Mino Raiola oo ay ku tageen kooxaha waaweyn ee Spain iyo England ka dib, waxaa halkaasi ka soo muuqday dhowr nambar oo dheeri ah, kuwaas oo laga codsaday inay heshiiska dhameystiraan.

Wadahadalku wuxuu ku bilaabmay Raiola iyo Haaland aabihiis oo waydiisanaya 40 milyan oo euro (midkiiba 20 milyan oo komishan ah), laakiin Raiola gebi ahaanba wuu beeniyay in arrintaasi jirto.

Xogaha kale ee ugu caansan ee ku saabsan wadahadaladii dhex maray Raiola iyo wakiillada kooxaha, ayaa ah in Haaland uu rabo 35 milyan oo euro sanadkii markii laga gooyo canshuuraha.

Haddii ay dhacdo in qandaraaska ciyaaryahanka uu noqdo 5 sano, tani waxay ka dhigan tahay in koox kasta oo dooneysa inay Haaland ku biiriso kooxdooda ay bixin doonto 175 milyan oo euro, marka lagu daro khidmada Raiola iyo aabbaha Haaland, iyo sidoo kale qiimaha heshiiska oo sheegaya – sida laga soo xigtay ilo saxaafadeed – in Dortmund aysan ku iibin doonin ciyaaryahanka wax ka yar 180 ama 150 milyan euro.

Guud ahaan, iibka laacibkan da ‘da yar ee reer Norway wuxuu noqon karaa ku dhowaad nus bilyan oo euro.

Haaland ayaa ku fashilmay inuu soo taabto shabaqa 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo uu u ciyaaray Dortmund iyo Norway.

20 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa noqday bartilmaameedka kooxo badan oo Yurub ka dhisan, waxaana magaciisa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Manchester City, Manchester United, Real Madrid iyo Barcelona.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: