Wararka

Dilkii magaalada Baydhabo loogu geystay wiil iyo gabar walaalo ahaa ayaa loo soo qabtay…


Ciidamada ammaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa lix qof u soo qabtay wiil iyo gabar walaalo ahaa oo dhawaan lagu dilay Magaalada Baydhabo.

Wiilka iyo gabadha oo da’doodu ka yar tahay 10 jir ayaa 7-dii bishan laga qafaashay Magaalada Baydhabo, waxaana maalin ka dib meydadkooda laga helay duleedka magaalada.

Dr. Cabdullaahi Ibraahim oo ah Madaxa Dhakhaatiirta Koonfur Galbeed, kana hawlgala Isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa ka mid ahaa dhakhaatiirtii baaritaanka ku sameysay meydadka carruurtaasi, waxaana uu bidhaamiyay in si xun loo dilay carruurtaasi.

“Labadooda waxay leeyihiin dhaawacyo qoorta qaybta hore iyo gadaalba ah, qaybta gadaal toorey baa uga taalay, caloosha sidoo kale waxaa uga taalay mindi, dhinaca kelida midig ayaa jeexneyd illaa iyo gadaal. Marka xubnihii markii la fiiriyay sidoodii ayay ugu yaallaan, ma jirin wax xubno ah oo lagala baxay.” Ayuu yiri Dr. Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiirka Cadaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo gelinkii dambe ee Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in lix qof oo laba ay dumar yihiin loo soo qabtay falka foosha xun ee carruurtaasi lagula kacay.

Wasiirka ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay socdeen baaritaano ku aaddan kuwii ka dambeeyay falkaasi, isla-markaana loo hayo lix qof oo lala xiriirinayo.

Wasiirka ayaa aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Sheekh Aweys Cabdullahi iyo shacabka reer Baydhabo ugu bishaareeyay in baaritaanka uu meel wanaagsan marayo, sharcigana la horkeeni doono kuwa ku lugta leh.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu laamaha amniga ku amray in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo geba-gabeeyo baaritaanka, cid kastoo ku lug yeelatana lala tiigsado sharciga.

Wasiir Joon ayaa ugu dambeyn sheegay inay aad ugu dadaalayaan, sidii ay cadaalad u heli lahaayen qoyska carruurtaasi, oo uu ugu horeeyo aabaha qoyskaasi, Sheekh Aweys Cabdullahi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: