Wararka

Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay koobka Copa del Rey ee dalka Spain…


Kabtanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa kulankii finalka Copa del Rey sababtoo ah wuxuu dhaliyay laba gool, laakiin waxaa jira ciyaartoy aan si weyn u ifin isla markaana aan helin amaantii uu mudnaa, waa ciyaaryahanka reer Holland Frankie de Jong.

Da’yarkan reer Holland ayaa sameeyay bandhig aan caadi aheyn iska hor imaadkii shalay, kaasoo ku dhamaaday guul 4-0 ah oo ay ka gaareen Athletic Bilbao.

Bilowgu wuxuu ahaa qeybtii hore markii uu kubad ka helay Messi isla markaana uu ku dhuftay birta.

Daqiiqadii 60-aad, wuxuu sameeyay baaska goolkii ugu horeeyay ee uu dhaliyay wiilka reer France Antoine Griezmann, 3 daqiiqo kadib wuxuu dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa kadib baas qurxoon markii uu ka helay saaxiibkiis Jordi Alba.

Daqiiqadii 68aad, de Jong iyo Messi ayaa kubbad isweydaarsaday, wuxuuna kan dambe ka dhigay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee ciyaarta iyo kan seddexaad ee Barca.

Ma jiro laba qof oo isku khilaafsan in xiddigii hore ee Ajax uu ka mid yahay heshiisyadii ugu fiicnaa ee ay Barca sameyso taariikhdeeda, khubarada ciyaaraha ayaa ku tilmaameen kariyihii guusha, hogaamiyaha kooxda iyo xiddiga koowaad kadib marka uu ciyaaraha ka fadhiisto Messi..

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: