Wararka

MW Farmaajo ayaa caawa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo…


Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, wararka ayaa sheegaya in dal kalena uu tagi doono, kaddib safarkiisa DR Congo.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safarkiisa uu la xiriiro wadahadal la filayo in laga dhex bilaabo Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa ah Madaxa Midowga Afrika ee xilligan, si kala gaar gaar ah ayuu u qaabili doonaa Farmaajo iyo Uhuru oo isna la filayo inuu khamiista tago dalka DRC.

Diyaaradda Farmaajo caawa ka qaaday Muqdisho ayaa laga soo diray dalka Congo, taasoo aheyd mid Madaxweynaha Congo u soo diray.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: