Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in lacag tiro badan oo ka timid Kenya lagu qabtay…


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in lacag tiro badan oo ka timid dalka Kenya lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Taliyaha ayaa ku boggaadiyay Ciidamada lacagtan qabtay, isagoo tilmaamay inay baaritaan ku wadaan.

“Waxaan ku boggaadinayaa Ciidanka Booliska ee Saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo qabtay lacag tiro badan oo sharci darro dalka ku soo gashay, lana socotay diyaarad ka timid dalka Kenya” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Lacagtan oo goordhow lagu soo bandhigay saldhigga booliska ayaa la sheegay inuu qof watay, waxaana ay u muuqatay lacag boqolaal kun oo dollar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: