Wararka

Madaxweyna Farmaajo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kinshasa ee DRCongo…


Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dambe oo xalay ahayd gaaray Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo.

Wafdiga Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Axaddii ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Injiili.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka faqriga iyo xagjirnimada.

Diblomaasiyiinta ku wehlinaya safarkan Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Congo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhigooda dalkaas iyo madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalkaasi ayaa qaadan doonto laba cisho, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: