Wararka

Madaxweynaha Chad Idriss Deby ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray furimaha dagaalka…


Ciidamada dalka Chad ayaa ku dhawaaqay iyagoo adeegsanaya telefishanka dowlada, maanta oo Talaado ah, in madaxweyne Idriss Deby uu u dhintey dhaawac ka soo gaarey furimaha dagaalka, sida ay qortay wakaalada wararka ee France-Presse.

Waxaa la sheegay in Deby uu shaqsiyan hogaaminayay dagaalada ka dhanka ahaa dhaqdhaqaaqa hubeysan.

Waxaa la sheegayaa in wiilka uu dhalay Idriss Deby uu hogaamin doono dalka, sida ay sheegeen golaha ciidamada oo uu hogaamiyo wiilka Deby.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: