Wararka

Maxamed Cabdirisaaq: Waxba iskama aanay bedelin go’aankii Baarlamaanka uu qaatay…


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowr fududeyn ah, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan ayaa waxa ay soo baxday kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay weli ku dheggan tahay xeerkii jihaynta doorashada ee uu Golaha Shacabka ansixiyay 12-kii bishan.

“Waxba iskama aanay bedelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal,” ayuu yiri wasiir Maxamed oo intaas ku daray: “Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo, si natiijada ka soo baxdaa ay u ahaato mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wadahadal furan oo hadda socda oo xal loogaga gaarayo khilaafka, hasayeeshee waxa uu soo dhaweeyay in Midowga Afrika uu dowr fududayn ah ku yeesho arrinta doorashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in Farmaajo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in dhibaatooyinka Afrika yaalla lagu dhammeeyo xalal Afrikaan ah.

“Sidaas daraadeed maadaama Madaxweyne Tshisekedi uu yahay guddoomiyaha wareegtada ah ee Midowga Afrika, madaxweyne Farmaajo waxa uu yiri waxba kama qabno in Afrikaanku ay kaalin fududayn ah ay ka qaataan, oo ah inay wax ka ogaan karaan, wici karaan madaxda maamul goboleedyada, ama dadka kale ee danaynaaya siyaasadda.

Hase yeeshee waxa uu wasiirku gaashaanka u daruuray in wadahadallada ay faraha la soo galaan cid aan Soomaali ahayn.

“Marba marka ka dambaysa waxaa soo badanayay in Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, dowlado kale iyo ajaanib badan ay runtii raadinaayeen inay qeyb kaga noqdaan, dowladda federaalka ah arrintaasi marwalba waa ka soo horjeedaa.”ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saddex qoraal oo kala duwan soo dhigey boggiisa Twitterka waxaana ka dhashay shaki ah in uu doonayo in markale wadahadalado laga galo doorashada Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: