Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibada Somalia ayaa xaqiijisay in Farmaajo uu ka dalbaday dhex dhexaadin…


Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa xaqiijisay in Farmaajo uu ka dalbaday dhexdhexaadin Madaxweynaha Congo.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in Midowga Afrika dhexdhexaadin ka sameyo dowladda iyo saamilayda siyaasadda.

Twitterka Wasaaradd Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda. Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu soo dhaweynaayo doorka fududayn ee Midowga Afrika.

Sidoo kale Madaxtooyada DR Congo ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynaha Congo ahna madaxa Midowga Afrika inuu ka qeyb qaato dhex dhexaadinta Saamileyda siyaasadda ee ku lugta leh xaalada cakiran ee Soomaaliya.

lama oga isbedelka ku yimid mowqifka Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa shaki weyn dhaliyay booqasahada degdegga ah ee uu ugu ambabaxay magaalada Kinshasa ee caasimada dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo.

Hase ahaatee waxaa jira cadaadis xoog leh oo ay saarayaan beesha caalamka Madaxweyne Farmaajo iyadoo si weyn uga so horjeestey muddo kordhinta ee golaha shacabka dhowaan u sameeyay Hay’adaha Dowlada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: