Wararka

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkii madaafiicda ee lala beegsaday Madaxtooyada…


Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan madaafiic ku dhacday maanta degmooyin ku dhow Madaxtooyada Qaranka.

Hoobiyeyaashan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay degmada Boondheere iyadoo ay ku dhinteen labo haween ah shan ruux oo kalana ku dhaawacmeen.

Sidoo kale hal madfac ayaa ku dhacay meel ku dhow darbiga Madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa weerarkii labaad ee hoobiyeyaal ah oo wax ka badan bil gudaheed ka dhaca Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: