Wararka

IGAD ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda Somalia inay isugu yimaadaan miiska…


Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay dhinacyada siyasaadda Soomaaliya iney isugu yimaadaan miiska wada hadalka, si loo gaaro is faham siyaasi ah oo la xiriira hirgelinta doorasho wada ogol ah.

War Saxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu soo dhoweyay hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka saamilayda siyaasada Soomaaliya, si loo xaliyo ismari waaga ka taagan doorashada.

Qoraalka IGAD ayaa waxay ku sheegtay in Wadahadalku uu yahay geedi socod muhiim ah oo dhaliya kalsooni iyo dhammaystirka dhammaan arrimaha hortaagan doorashada.

Urur Goboleedka IGAD waxay ku dhiiri galisay dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, ayna dib u galaan wada hadal furan oo wax ku ool ah iyadoo la fiirinayo danta ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo si aad ah ugu boorisay dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojinaysa xiisadaha ama isku dhac keeni kara.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: