Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Uhuru Kenyatta ayaa gaaray magaalada Kinshasa DR Congo…


Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa gaaray Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo.

Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ee N’djili ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, Felix Tshisekedi.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka jawaabayay casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo geba-gabeeyay booqashadiisii dalkaasi, oo laba cisho qaadatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ku wehlinayay booqashadaasi ayaa sheegay inay Somalia aqbashay in Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyo Dowladda Federaalka iyo Danleyda Siyaasadda ee dalka.

Inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay uu xumaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxay Somalia marar badan ku eedeysay Kenya in ay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha, taasi ayaana loo maleynaya in Gudoomiyaha Midowga Afrika uu Madaxweynaha Kenya kala hadlayo, isla-markaana uu ka shaqaynayo, sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal.

Shabakada Wararka, hagaaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: