Wararka

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir ka yeelanaya arrimaha Somalia…


Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir xasaasi ah maanta waxa ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkaasina uu ka dhici doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Kulankan ayaa imanaya kadib markii dhowaan uu Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka codsaday Midowga Afrika inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulan ay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay dhowaan yeesheen waxa ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada Soomaliya.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh saareysa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay xal waara ka gaaraan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: