Wararka

12 Naadi oo ka dhisan Yurub ayaa dhisay tartan loogu magac daray European Super League…


Naadiyada go’aansada inay ka baxaan European Super League ayaa wajihi doona ganaaxyo lacageed oo aad u badan haddii ay ka tanaasuleen mashruucan, kaasoo dhaliyay khilaaf baahsan oo ka jira dunida kubada cagta, sida lagu sheegay warbixin ay qortay jariidada Isbaanishka “Mundo Deportivo”.

Wargeyska ayaa soo xigtay macluumaad tilmaamaya in qodobada heshiiska oo ay saxiixeen 12 naadi oo lagu aasaasayo tartankan cusub uu dhigayo in lagu soo rogo ganaax lacageed oo gaaraya 300 milyan oo euro koox kasta oo go’aansata inay ka baxdo heshiiska.

Wargeysku wuxuu tilmaamay in lacagtani ay u dhiganto wixii koox walba ay ka heli laheyd ku biirista tartanka, waxayna kuxirantahay amaah ay kula heshiiyeen bangiga Mareykanka “JPMorgan” si ay ulasocdaan tartanka aan weli guuleysan.

Mashruucan cusub ayaa la shaaciyey Axadii la soo dhaafey, iyadoo ay dhalisey caro badan oo ka timid xiriirada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, taageerayaasha iyo ciyaartoy badan, wuxuuna bedel looga dhigay Uefa Champions League, iyadoo aad ay uga carootay Uefa.

Marka laga hadlayo cadaadiska sii kordhaya ayaa wuxuu keenay in naadiyada Manchester City, Chelsea, Manchester United, Liverpool, Arsenal iyo Tottenham ay ka baxaan mashruucan Talaadadii, Atletico ayaana ku soo biirtay Arbacadii, halka Juventus, Inter Milan iyo Milan ay qireen fashilka qorshahan.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez – oo loo doortay inuu madax ka noqdo Super League – ayaa diiday inuu tixgeliyo inuu mashruuca dhintay, halka madaxweynaha Barcelona Juan Laporta uu sheegay in Super League uu yahay mid lama huraan ah, kooxda reer Catalanna warbixin ay shalay soo saartay ku sheegtay “iska indhatirka fursadan ayaa waxay noqon doontaa khalad taariikhi ah. “

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: