Wararka

RW Rooble ayaa shir deg deg ah la qaatay hay’adaha amniga, kadib dhacdadii Garoonka…


Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir degdeg ahi isugu yeeray hay’adaha amniga, ka dib dhacdadii ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha oo shir guddoomiyay Shirka Amniga Caasimadda ayaa hay’adaha ammaanka faray in la dardargeliyo suggidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Amniga in tallaabo degdeg ahi laga qaado, sharcigana la horkeeno kuwii ka dambeeyay dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Aadan Cadde, taas oo muuqaal aan wanaagsanayn ka bixineysay xaaladda dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa war uu soo saaray waxaa uu shacabka Soomaaliyeed kaga codsaday inaanay buun-buunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: