Wararka

Dowlada Somalia ayaa sharci daro ku tilmaantay cambaareynta loo jeediyey Golaha Shacabka…


Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugaga hadlay baaqii ka soo baxay Golaha Ammanka iyo nabada Midowga Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in hore ay shaki uga qabeen shirkaa oo ay shir guddoominaysay dowlada Jabuuti ayna tifatire ka ahayd dowlada Kenya.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada ay soo dhoweyneyso balse ay soo dhoweyneyso qodobka ah in ergey gaar ah Midowga Afrika uu u soo magacaabo dalka Soomaaliya.

“Dowladaha kenya iyo Jabuuti ayaa dadaal dheer ku bixiyay go’aanada shirkaa balse waxaan la yaabanahay dowlada Jabuuti maadaama khilaaf uu hore ugala dhexeeyay dowlada Kenya.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dubbe.

“Dowlada Jabuuti waxa ay sii wadaa wixii aan hore ugaga digney afar sano kahor, kursiga ay Jabuuti ku fadhido ee guddoonka Golaha Ammaankana Soomaaliya ayaa xaq u lahayd balse Jabuuti si walaaltinimo ah ayay ugu ogolaatay.”ayuu yiri Dubbe.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in goluhu cambaareeyay go’aan ay gaareen Golaha Shacabka.

“Majiro urur cambaareyn karo dal madax banaan, waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada Soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay Golaha Shacabka .”ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inaysan soo dhoweyneyn qodobka ah in ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Soomaaliya.

“Waa arrin la yaab leh qodobkaas waana sharci darro, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee Amisom ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,”ayuu sii raaciyay wasiirka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: