Wararka

Everton ayaa 3 dhibcood oo qaali ah ka heshay Arsenal kadib ciyaar ka tirsaneyd horyaalka…


Goolhayaha kooxda Arsenal Bernd Leno ayaa iska dhaliyay gool si qalad ah, kaasi oo ka caawiyay kooxda Everton in ay guul 1-0 ah ka gaadho kulankoodii ka tirsanaa horyaalka Premier League ee England oo lagu qabtay guriga Arsenal.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa heshay 3 dhibcood oo qaali ah u soo bixitaankii tartamada Yurub, halka rajadii Arsenal ee ku aadaneyd isla yoolkaas ay yaraatay.

Leno ayaa qalad sameeyey kadib baaskii hoose ee Richarlison daqiiqadii 76-aad, taas oo sababtay goolka kaliya ee ciyaarta, taasoo ka dhigtay Everton inay gaarto kaalinta sideedaad iyadoo leh 52 dhibcood, hal dhibic ka hooseysa Liverpool iyo 3 dhibcood oo ay ka dambeyso kooxda kaalinta afaraad ku jirta ee Chelsea.

Arsenal ayaa weli ku jirta kaalinta 9aad iyadoo leh 46 dhibcood.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: