Wararka

Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa lagu dhaariyey Madaxtooyada…


Waxaa maanta Madaxtooyada dalka lagu dhaariyay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyadoo munaasabada dhaarintana uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Kuxigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed,Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa in ay adkeeyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sagaalka xubnood ee Guddigan uu xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Dhaarinta guddigan ayaa ku soo beegantay xilli xaalad dagaal ay ka taagan tahay caasimada dalka ee Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: