Wararka

Iska hor imaad goos goos ah ayaa ka socda Isgoyska Sanca ee magaalada Mogadishu…


Iska hor imaad goos goos ah ayaa ka socda Isgoyska Sanca, kaasoo u dhaxeeya Ciidanka Milateriga ee saaka soo galay Muqdisho iyo Ciidan lagu magacaabo Duufaan oo ka tirsan Nabadsugida.

Rasaasta la isku adeegsanayo ayaa weli laga maqlayaa Isgoyska Sanca iyadoo dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow ay soo wajahday cabsi xoog leh.

Waxaa xaafadaha qaar ka bilowday barakac ay dadka guryahooda ugaga baxayaan iyagoo ka cararaya rasaasta la isu adeegsanayo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo inuu sii xoogeysto.

Ciidankan Military ayaa ahaa kuwii ka soo baxay furimaha dagaalka, waxay gaareen Isgoyska Sanca, xaalada deegaanada Waqooyiga Muqdisho ayaa ah mid kacsan, dhaq dhaqaaqa gaadiidka ayaa ah mid istaagay.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan ee ka yimid furimaha dagaalka ayaa sheegay inay ka gadoodsan yihiin muddo kordhinta hay’adaha dowlada federaalka.

Waxa kale oo ay saraakiishu sheegeen inay isku sii ballaarin doonaan deegaano horleh oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka iyadoo xalay dadaalo lagu doonayay in lagu joojiyo ciidamadan ay guuldareysteen.

Ciidamadan ayaa ka yimid gobolka Sh/dhexe iyadoo wararka ka imanaya gobolkaasina ay sheegayaan in ciidamo horleh ay ku soo jeedaan magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: