Wararka

Manchester City ayaa la hoyatay maanta koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan…


Manchester City ayaa u dabaaldegtay koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan gacanta ay ku dhigto kadib markii ciyaar aad u xiiso badneyd 1-0 ugaga badisay Tottenham maanta oo Axad ah ciyaar ka dhacday garoonka Wembley.

Goolka yatiimka ah ayaa u dhaliyey Manchester City laacibkooda Aymeric Laporte, wuxuuna ka fujiyey nabar ku taagnaa kooxda. Ciyaarta ayaa loo ogolaaday taageerayaal gaaraya 8000 oo qof.

Manchester City ayaa filaneysay sanadkan inay afar koob soo xareysato, kii FA cup-ka waa ka fakaday, waxaa u soo haray kan horyaalka iyo kan Champions League.

Midka maanta ay la hoyatay waa Carabao cup.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: