Wararka

QM ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa…


Qoraal kooban oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalada u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa taabacsan mucaaradka oo ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasada isku haya in ay si deg deg ah u bilaabaan wadahadal si looga baaqsado dagaalo iyo rabshado mar kale dhiig ku daato.

Qoraalka ayaa sidoo kale dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho loogaga codsaday in ay xaalada dejiyaan isna xakameeyaan, waxa ayna sheegtay Qaramada Midoobay in rabshaduhu xal u noqoneyn is mariwaaga siyaasadeed ee taagan.

”Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn, rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Caasimada dalka ayaa shalay waxaa ka dhacayay dagaalo sababay khasaare badan, waxaana degen saaka deegaanadii shalay lagu dagaalay iyadoo ay jirto weli cabsi laga qabo in dagaaladu ay sii socdaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: