Wararka

Xaalada magaalada Mogadishu ayaa saaka deggen kadib dagaaladii shalay ilaa xalay ka socday…


Waxaa saaka deggen xaaladda Magaalada Muqdisho, ka dib dagaalkii gelinkii dambe ee shalay illaa xalay ka socday qaybo ka mid ah magaalada.

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay, iyadoo xaaladda magaalada ay degan tahay, inkastoo ay weli dadku baqdin muujinayaan.

Isu-socodka goobihii xalay lagu dagaalamay ayaa mid caadiya ku soo laabtay, iyadoona lagu arkayo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa qaarkood dib loo furay, nolosha ayaana mooddaa inay si caadiya dib ugu soo laabaneyso.

Dhanka kale Duubabka Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay dadaalo ay ugu kala dab qaadayaan Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ay la kulmeen xubno ka socday Dowladda Federaalka, markii dambena ay la kulmeen garabka mucaaradka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinacba ay aqbaleen in dagaalka la joojiyo, xaaladda taagan-na laga wadahadlo.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda soo korortay looga gudbi karo wadahadal iyo is afgarad.

“Dowladdu waxay aaminsan tahay in wadahadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo. Hawshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysan doono, Insha’Allah.” Ayuu yiri Rooble.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: