Wararka

Ciidamo taabacsanaa C/raxman C/shakuur ayaa ka guuray agagaarka Madaxtooyadii Cabdi Qaasim…


Ciidamadda Mucaaradka ee taageersanaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxman Cabdishakuur, Saadaq John Iyo Indhacadde ayaa Isaga guuray agagaarka Madaxtooyaddii Cabdi Qaasim ee degmada Hodon iyagoo degey xaafada Siigaale oo aan ka fogeyn halkii ay hore fariisimada ugu lahaayen.

Ciidamadda Ammaanka ee Dowladda ayaa dib u furay wadooyinka Km4 Iyo Tarabuunka halkaasoo horey ugu sugnaayeen ciidamada mucaaradka.

Lama oga sababta keentay inay ka guuraan xaruntii ay ku sugnaayeen ciidamadan hase yeeshee halka ay u uguureen ayaa ah meel istiraatiiji ah oo ku wanaagsan dagaalada magaalada waxaana ay ku sii dhowaadeen Madaxtooyada qaranka.

Dadka degenaa xaafada Siigaale ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda xalay saqdii dhexe kadib markii ay ka warheleen ciidamada soo degey.

Xaalada magaalada ayaa degen inkastoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaalka uu dib u bilowday.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: