Wararka

MW Farmaajo ayaa caawa lagu wadaa inuu khudbad u jeediyo shacabka Soomaaliyeed…


Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in caawa uu khudbad u jeediyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisan kaga warbixin doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo dowladda ay ka tanaasushay labadii sano ee baarlamaanka uu ugu kordhiyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ee Facebook.

Khadbadda Madaxweynaha ayaa imaanaysa, iyadoo Ra’iisal Wasaare Rooble uu sheegay in dalka laga qaban doono doorasho heshiis lagu yahay, kuna saleysan heshiiskii 17-kii September.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: