Wararka

Xundubey ayaa sheegay in dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto maleeshiyaad dhiiragelinaya…


Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dowladda ay isku dayday in ay ka baaqsato in lagu dhex dagaallamo shacabka, isagoo ciidanka muddo kororsiga diidanna ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan barakicinta shacabka qeybo ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa uu sheegay in ay yihiin malleeshiyaad oo dhiirogelinaya argagixisada, isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

”Dowaladu ciidanka ay heyso masuuliyadeeda waa ku filantahay inay magaalada gacan ku qabto inaan dhibaato dhicin ayaa gacmaha loo laabtay iyadoo Ramadaan ay tahay laakin waxaa hadda soo badanaya falal muujinaya in loo bahanyahay in laga hortago “ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiirka ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga isla markaana aysan ogolaan nabadii ay dhibka badan lagu dhaliyey in ay si fudud ku lunto.

Hadalkan Wasiirka ayaa ku soo aaday, iyadoo saacadihii la soo dhaafay si aad ah looga barakacayey degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, kaddib markii ciidanka ka soo horjeeda kuwa dowladda ay farriisimo hor leh ka sameysteen goobahaas.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: