Wararka

Chelsea ayaa neefta ku celisay Real Madrid kadib markii ay ku kala baxeen 1-1 ciyaar ka…


Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qirtay inuu neefta ka soo foqday ka dib markii ay dhamaatay lugtii hore ee semi-finalka Champions League ee ay la ciyaareen Chelsea, kooxdiisuna weli waxay ku jirtaa tartanka, ka dib markii ay barbaro 1-1 la galeen “Blues”, iyadoo ay aad uga horeyeen kooxda Isbaanishka qaybo badan oo ka mid ahaa ciyaarta.

Kooxda Boqortooyada ayaa la kulantay xaalad adag tan iyo daqiiqadihii ugu horeeyay ciyaarta, inkastoo uu daahay goolkii laacibka Mareykanka ah Christian Pulisic, laakiin waxaa ku barbareeyay gool cajiib ahaa Karim Benzema, kahor inta uusan qaab ciyaareedka labada dhinacba hoos u dhicin qeybtii labaad ee ciyaarta.

Zidane ayaa u sheegay suxufiyiinta, “Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoyda maxaa yeelay wali waan nool nahay … Waxaan wajahnay dhibaatooyin 25-30 daqiiqo ee ugu horeysay, laakiin qaab ciyaareedku wuu fiicnaaday aadna waan ugu fiicneyn qeybtii labaad oo waan hagaynay. Waxaan ku faraxsanahay wixii aan ku sameynay ciyaarta guud ahaan. ”

Real Madrid ayaa ka gudubtay Liverpool iyo Atlanta labadii kulan ee ugu dambeysay wareegii kala baxa, laakiin waxay la kulantay imtixaan adag markii ay wajaheen Chelsea, oo si adag u ciyaareysay, waxaana Zidane uu ku amaanay kooxda tababare Thomas Tuchel guusha uu ka gaaray baabi’inta halisaha ee kooxda.

Zidane ayaa intaa ku daray, “Waxaan ku fiicannahay cadaadiska kooxaha naga soo horjeeda bilowga garoonka, laakiin Chelsea aad ayey u fiicneyd. Chelsea waxay ciyaartay 21 kulan mana aysan dhicin 16 ka mid ah in la soo taabto shabaqeeda (ka hor ciyaartii Talaadada), Waxay uqalmeen semi-finalka sabab jira awgood. ”

Thibaut Courtois, goolhayaha Real Madrid, ayaa soo farageliyay daqiiqadihii ugu horeeyay si uu Timo Werner weeraryahanka Chelsea uga diido gool uu dhalin lahaa, wuxuu qirtay in kooxda Ingriiska ay ka fiicneyd kooxdooda, laakiin wuxuu xaqiijiyay in kooxdiisa ay cadaadis ku saari doonto lugta labaad ee London.

“Waxay ahaayeen kuwo naga daran, waxaan dooneynay inaan ku bilowno ciyaarta sidii ay sameeyeen, wax walba oo karaan ayey sameeyeen, goolka koowaad wuxuu yimid waqti nagu adag, laakiin waxaan ku guuleysanay inaan xakameyno nafteena, qeybtii labaadna waxay ahayd mid waalida ku yar … barbaro 1-1 ah waxay la micno tahay ciyaarta usbuuca soo socda sida mid final ah oo kale, Uma maleynayo inay ku dhamaan doonto goolal la’aan, haddii Chelsea ay dib ugu gurato daafaca, waxay ahaan doontaa qalad weyn.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: