Wararka

Ciidanka Militariga ee taabacsan mucaaradka ayaa carro tuur cusub dhigtay waddooyin ku…


Ciidanka milateriga ee taabacsan mucaaradka, kana soo horjeeday muddo kororsiga hay’adaha Dowlada Federaalka ayaa xalay carro-tuur cusub dhigtay waddooyin ku yaalla degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo loogu baaqay in ay xerooyinkooda ku laabtaan kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay muddo-kororsiga labada sano ee ay kasoo horjeedeen ayaa carro-tuurka cusub ku xirtay isgoyska Fagax, Jungal, Siisii iyo waddooyin Jidcadayaal ah oo dhexmara xaafado.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay in ciidankan ay carro-tuur cusub ugu xirtaan waddooyinkaas, xilli dowladdu ka tanaasushay muddo kordhintii labada sano, kuna baaqday in doorasho deg-deg ah la qabto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: