Wararka

Farmaajo ayaa uga warbixiyey shacabka xaaladaha taagan, doorashada iyo mustaqbalka…


Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si toos ah ula hadlay shacabka Soomaaliyeed oo uga booga-dhayey walaac xoogan ee ay ka qabaan xaaladaha taagan, doorashada iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay sida ay uga go’an tahay dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa kobaca dimoqraadiyadeed iyo horumarka ay higsanayaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay caqabaddu noqotay fara-gelin shisheeye iyo gacmo guracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta shacabka.

“Anagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhigeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17-ka September 2020 iyo talabixintii Guddiyada Farsamada ay ku gaareen Magaalada Baydhabo 16-kii February 2021.”

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalada nabadeed ee Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo iyo cidda u hiilineysa nabadda, qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheelitiro heshiiska siyaasadeed ee horey loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda Muqdisho iyo bedqabka shacabka birimageedada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara qalqal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: