Wararka

Puntland ayaa sheegtay in shirka uu ku baaqay Farmaajo aysan tageyn ilaa Beesha Caalamka…


Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

Wasiirka oo ay wareysatay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in Farmaajo uusan jirin Baarlamaan uu hortago oo go’aan gaari karo isla markaana ay yihiin kuwo laba dhinac u kala jaban oo ay kala hoggaaminayaan Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi.

” Baarlamaanka iyaga ayaaba sharci aheyn oo waqtigooda dhamaaday muddana ma kordhin karaan, iyana ma kordhisan karaan micna ma soo kordhineyso hadii uu Madaxweynaha hortago” ayuu yiri, Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Hase yeeshee afhayeenka Puntland ayaa sheegay in puntland ay diyaar u tahay shirar kasta oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo leh damaanad Beesha Caalamka ah.

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah labada maamul ee uu hore Madaxweyne Farmaajo uu ku eedeeyay inay sabab u ahaayeen burburka wadahadaladii doorashooyinka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: