Wararka

Qarax loo adeegsaday baabuur walxa qarxa ka buuxa ayaa lagu dhuftay derbiga Xarunta…


Qarax loo adeegsaday baabuur lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xarunta ciidamada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye iyadoo qaraxuna uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan Dowladda ayaa sheegay in gaariga qarxa uu ku dhacay darbiga xarunta Asluubta, waxyeelada ka dhalatayna ay gaartay dad shacab ah oo goobta ka dhawaa.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in ujeedka qaraxa uu ahaa in gaariga uu gudaha u galo xerada ciidamada Asluubta balse uu soo dhaafi waayay darbiga oo aad u adkaa awgeed.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxa ayna ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Asluubta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: