Wararka

Kubada cagta ayaa muujisay dareen yaab leh kadib markii qadar gaaban loo joojiyo ciyaaraha…


Waxaa mudan in la sheego oo la qadariyo habboon sida dadka aan Muslimka aheyn ula macaamilayaan bisha barakeysan ee soonka, halka dalal badan oo Muslimiin ahna la isku leynayo isla bishan.

Waxaan daawaday ciyaar ka tirsaneyd UEFA Europa League iyo mid ka tirsaneyd horyaalka Ingriiska, waxaa labaduba markhaati ka noqdeen in ciyaartoyda Muslimka ah ee sooman loo joojiyo ciyaarta waqti gaaban si ay u afuraan.

Ciyaartii Manchester United vs Roma ayaa la joojiyey qadar gaaban si uu u afuro Paul Pogba. tan kale ciyaartii Leicester City vs Southampton ayaa loo joojiey Wesley Fofana oo ah 20 jir ka soo jeeda France, kana tirsan kooxda qaranka France U21, una ciyaara Leicester City si uu u afuro.

Labada dhacdo waxay ku dareensiinayaan kubada cagta in ay tahay goob lagu ixtiraamo dadka kala gedisan ee kala heysta diimaha kala duwan.

Balse nasiib daro caalamka Islaamka intiisa badan dab baa ka holcaya, Pakistan, Afghanistan, Iraq, Libya, Syria, Yemen, Nigeria, Cameroon, Niger, Chad, Sudan, Somalia, Lebanon, Palestine Tajikistan, Kyrgyzstan iyo kuwo kaloo badan, xataa xabada wey joojin kari waayeen iyadoo la ixtiraamay Ramadaanta qeybo dalalkaasi ka mid ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: