Wararka

Ergeyga Qatar u qaabilsan dhex dhexadinta iyo xalinta khilaafaadka ayaa soo gaaray Mogadishu…


Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani Ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan.

Dr. Mutlaq ayaa la sheegay in labo cisho uu joogayo magalada Muqdisho, si uu kulamo ula qaato Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Xubnaha Mucaaradka.

Qatar ayaa dooneysa inay Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida u muujiso in aysan taageero u heyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, loona arko inay dhex dhexaad tahay, ayna rabto inay weji ka sameysto siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka.

Ergeyga gaarka ah dowlada Qatar ayaa inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho waxa uu soo maray magaalada Hargeysa halkaa oo uu kula soo kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: