Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka noqday sharcigii muddo kordhinta, dibna loogu…


Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa codsiga madaxweynaha kaddib u codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 September waxayna ku waafaqeen madaxweynaha.

Dhamaan xubnihii fadhiyay ayaa u wada codeeyay mana jirin cid ka hor timid. Bartamihii bishii la soo dhaafay ayay xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay ansixiyeen doorashada qof iyo cod oo muddo labo sano gudahood ah dalka ka dhacaysa, hase yeeshee waxaa ka horyimid qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, musharaxiinta Madaxweynaha iyo beesha caalamka.

Dhanka kale Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay in Ra’iisal Wasaare Rooble uu hoggaamin doono doorashada iyo amniga.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo amniga sidoo kale fulinta qorshaha sida waafaqsan dastuurka waxaa iska leh ra’iisal wasaaraha.”

Madaxweynaha ayaa xukuumadda faray inay howshaas baaxadda leh u hoggaansamaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: