Wararka

Dowladda Turkiga ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Shacabka uu ku ogolaaday in…


Dowladda Turkiga ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka uu ku ogolaaday in dib loogu laabto heshiiskii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, ay 17-kii September ee sanadkii 2020 ku gaareen Magaalada Muqdisho.

“Waxaan soo dhaweynaynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia uu qaatay, kaasoo ayidsan yihiin in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto doorashada, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Warka ayaa lagu yiri “Waxaan rajeynaynaa in horumarkan uu u adeegi doono dib u bilaabidda wadahadalada wax ku oolka ah ee Daneeyeyaasha Siyaasadda, dib u dhac la’aan iyo in la xaqiijiyo horumarka is afgaradka ee bulshada, iyada oo laga gudbayo khilaafaadka.”

Mar sii horeysay Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa taageeray qaraarka uu Golaha Shacabka ku baabi’iyay muddo kororsiga, dibna loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

“Waxaan sidoo kale soo dhaweynaynaa in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaato doorkiisa hirgelinta doorashooyinka Somalia, oo ay tahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Safaaradda Mareykanka ee Somalia ku leedahay Twitter-ka.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, Amb. Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Midowga Yurub uu soo dhaweynayo go’aanka Golaha Shacabka iyo baaqa Madaxweynaha

“Midowga Yurub wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia iyo ku dhawaaqidda Madaxweyne Farmaajo. Hadda waa inaanan wax shuruud horudhac ah lagu xirin wadahadalada. Ra’iisal Wasaare Rooble waa inuu ku tiirsanaadaa taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Danleyda Siyaasadda ee geddi-socodka ay Soomaalidu hoggaaminayso.” Ayuu yiri Wakiilka oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hortagay Xildhibaanada Golaha Sacabka ayaa ka codsaday inay baabi’iyaan qaraarkii, ay 12-kii bishii April ku ansixiyeen labada sano ee loogu kordhiyay Hay’adaha Dowladda Federaalka, isla-markaana ay ogolaadaan in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

140 Xildhibaan ayaa haa ugu codeysay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September ee ku qotamay qaabka doorasho ee dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: