Wararka

Maxkamada CQS ee maamulka Puntland ayaa shan ruux ku riday xukun dil ah…


Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda ee Maamulka Puntland ayaa ku xukuntay shan ruux xukun dil ah kadib markii lagu helay inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab.

Raggan la xukumay ayaa kala ah Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle (Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi.

Dhagaysiga dacwada raggan ayaa ka socotay muddo labo cisho ah magaalada Gaalkacyo, Balse waxa ay maxkamadu sii deysay afar ruux kadib marki lagu waayay dambiga lagu soo oogay oo ahaa Al-Shabaabnimo.

21kii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa sidan oo kale Maxkamada Ciidamada Puntland waxa ay ugu xukuntay shan ruux oo badankood dhalinyaro ah dil kadib markii ay maxkamadu sheegtay inay falal dil ah ka geysteen Puntland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: