Wararka

RW Rooble ayaa shir wadatashi iskugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo Gobolka…


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi iskugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir 20-ka bishan May.

Afhayeenka dawladda Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu mudnaan siinayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii September ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii shalay Aqalka Hoose ay baarlamaanku ay ka laabteen muddo kordhinta ayna dib usii celiyeen Heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu maamulka doorashooyinka dalka iyo amnigooda ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: