Wararka

Dadaalo lagu doonayo in ciidanka looga saaro magaalada Mogadishu ayaa socda.


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo dadaalo lagu doonayo in Ciidanka Xoogga Dalka looga saaro magaalada. Ciidamada ayaa daba-yaaqadii bishii April soo baneeyay fariisimihii ay ku kala lahaayen Gobolka Shabellaha Hoose & Shabellaha Dhexe.

Ciidamadan ayaa si weyn uga horyimid tallaabadii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Ciidamadu waxay haatan ku kala sugan yihiin qaybo ka mid ah Degmooyinka Hodan, Yaaqshiid iyo Kaaraan, iyadoo ciidanka ku sugan Degmada Hodan ay ka tirsan yihiin Guutada 7aad ee Qaybta 60aad, halka kuwa ku sugan Waqooyiga Muqdisho ay ka tirsan yihiin Guutada 4aad ee Qaybta 27aad.

Ciidamada soo baneeyay fariisimihii ay ku lahaayen Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa horkacaya Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Saney Cabdulle Gaab.

Sidoo kale Faarax Xasan Xaashi iyo Liibaan Madaxweyne ayaa horkacaya Ciidanka Guutada 7aad ee Qaybta 60aad oo soo faruujiyay saldhigii ay ku lahaayen deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose. Ciidankan ayaa gurmad ugu yimid Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ka dib markii hoygiisa oo ku yaala Degmada Hodan ay weerareen Xoogaga Haramcad iyo Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la fahamsan yahay inay ka hortaggeen hawlgalkii ay Dowladda Federaalka ku dooneysay in lagu soo xiro siyaasigaasi.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa wada dadaalo Ciidamada Militariga looga saarayo magaalada, iyagoona garabka mucaaradka ku cadaadinaya in ay ciidamadu baneeyaan goobaha ay dhufeysyada ka sameysteen.

Saraakiisha Ciidamada Militariga ayaa mar sii horeysay sheegay inaanay dib ugu laaban doonin xeryahooda, illaa iyo inta uu ka furmayo shirka wadatashiga qaran, ee lagu dhameystirayo doorashooyinka dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: