Wararka

Ergeyga gaarka ee Qatar ayaa fariin uu ka siday Amiirka Qatar u gudbiyay MW Farmaajo…


Ergeyga gaarka ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Qatar Mutlaq Al Qahtani ayaa fariin qoraal oo uu ka sidey Amirka Qatar Sheekh Tamim bin Xamad u gudbiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Somalia.

Wakaaladda Wararka ee dowladda Qatar ayaa sheegtay in fariinta ay ku saabsanayd sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka, loona sii wadi lahaa.

“Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo gaaro xasilinta dalka”.ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday Qatar News Agency.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in farinta gacanta laga saaray Farmaajo kadib markii ay kulmeen ergeyga gaarka ah ee Al Qahtani.

Hase yeesheee dowlada Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin inay kulmeen Farmaajo iyo Qahtani.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: