Wararka

Ergeyga Qatar ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Guudlaawe, Qoorqoor iyo Laftagareen…


Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Mutlaq Al Qahtani ayaa gelinkii dambe ee shalay siyaabooyin kala duwan ula kulmay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Madaxweynaha Galmudug iyo Ergayga ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muran badani uu hareeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Ergayga uu Madaxweyne Qoorqoor ku ammaanay juhdiga uu ku bixiyay, sidii dalka uga gudbi lahaa isgoyska la taagan yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Ergayga, waxayna ka wadahadleen dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada iyo weliba arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Mudane Multaq Alqahtani. Waxa ay ka wadahadleen xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Facebook.

Sidoo kale ergeyga ayaa la kulmay Madaxerynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxayna ka wada hadleen arrimaha ku hor gudbin doorashada iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Mutlaq Al Qahtani oo booqasho ku jooggo Magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo leeskugu soo dhaweynayo dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: