Wararka

Manchester City ayaa u soo baxday markii ugu horeysay taariikhdeeda finalka Champions League…


Kooxda Manchester City ayaa iska xaadirisay finalka Champions League oo lagu qabanayo garoonka Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul dalka Turkiga kadib markii ciyaartii lugtii labaad oo goor dhow soo dhamaatay ay 2-0 uga badisay kooxda Paris Saint Germain, ciyaar ka dhacday guriga Manchester City.

Isku celcelin ayey ku soo baxday wadar ahaan 4-1, iyagoo lugtii hore uga soo badiyey 2-1, ciyaartii ka dhacday Paris.

Labada gool ee caawo la dhaliyey waxaa ku farayareystay laacibka reer Algeria Riyad Mahrez, oo u soo saaray kooxdiisa finalka Champions League markii ugu horeysay taariikhdeeda.

Manchester City waxay sugeysa kooxda ka soo baxi doonta ciyaarta habeen dambe oo Arbaco ah 5ta bisha May dhex mari doonta Chelsea iyo Real Madrid.

Ciyaarta finalka ayaa la qaban doonaa 29 May 2021.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: